Unga Hörselskadade
Ururka Sweden ee Dadka Dhaliyarada Maqalku ku adag yahay (Unga Hörselskadade – UH)
Ururka Sweden ee Dadka Dhaliyarada Maqalku ku adag yaha (UH) waa ururka dadka dhalin yarada ah ee maqalku ku a dag yahay. Waxaanu adeegnaa dadka ilaa da’da 30 ah, anagoo siina meelaha carururta iyo dhalinyada qaba liidashada maqalka si loo kulmo, maad loo lahaado oo horumariyo qaabkooda iyaddoo aanay xanibin gaadhin la’aantu. Erayga ’maqalku ku adag yahay’ waxa uu tixraacaa liidashada maqalka, dhawaqa gudaha dhegta, dhibta codka qaylada dheer, cudurka Maniere, dhego la’aanta ama noocyada kale ee kasta. Muhiim ayay u tahay in carruurta iyo dhalin yardu ay la kulmaan kuw akale gudaha xaalado isku mid ah oo helaan dad ay ku daydaan iyo dhiirigelinta inaanay nafahoodu u oggolaan inay xanibto gaadhid la’aanta.
Waxaanu leehanaya goobaha kullanka heer qaran ama heer deegaan ah. Heerka qaranka, waxaanu bixinaa kaamam, koorsooyin iyo shirar u furan qof kasta oo Iswiidhan jooga. Maxali ahaan, waxaanu leenahay ururada abaabula hawalaha dadka deegaanka ah ee aaga. Had iyo jeer waxaanu ku dedaalaynaa inaanu ka dhigno kullamadayada kuwa loo heli karo xubnahayaga, laakiin wakhtiyada qaar, hawlaha qaarkood waxaa lagu habboonaysiiyaa kooxda da’ gaar ah. Badanka hawlahayaga la qabto waxaa lagu hadlaa Isiidhiska ama luqadda dhegoolaha Iswiidhiska.
Waxaanu sidoo kale ka shaqaynaa dhanka keenida bulshada u wanaagsan carruurta iyo dhalin yarada maqalku ku adag yahay, bulshadda tixgelisa xuquuqdeeda. Iyaddoo qayb ka ah dedaaladan, waanu ururinaa oo faafinaa aqoonta ku saabsan dadka dhalin yarada ah iyo liidashada maqalka. Sidoo kale waxaanu wadnaa falan qaynta lala yeesho masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta gaadhaya go’aamada saameeya nolosha dadka dhalin yarada ah ee maqalku ku adag yahay.
Waxaanu bixinaa meelaha kullanka
Waa muhiim carruurta iyo dhalin yarada inay wada kulmaan kuwaas oo maqalku ku adag yahay. In sidaas la sameeyo waxay u oggolaataa inay xoojiyaan aqoonsigooda oo noqdaan kuwo ku nabdoon nafahooda. Sidaas awgeed, waxaanu bixinaa meelaha kullanka ee qaranka iyomaxaliga ah ee dadka dhalin yarada ah ee qaba maqalka liita.
We work toward bringing about a better society
Waa muhiim in waayo aragnimooyinka iyo aragtiyaha carruurta maqalku ku adag yahay iyo dhalin yarada la tixgeliyo marka masuuliyiinta iyo siyaasiyiintu ay gaadhaan go’aamada na saameeya. Sababtan awgeed, waxaanu qabanayaa dedaalada u doosita si loo xaqiijiyo in xuquuqaha dadka dhalin yarada maqalku ku adag yahay la tixgeliyo.
Waxaanu faafinaa aqoon
Way adkaan karaa oo lahaan kartaa wareen in la eego dhammaan macluumaadka la heli karo ee ku saabsan liidashada maqalka iyo xuquuqaha dadka dhalin yarada ah ee maqalku ku adag yahay ay leeyihiin. Sidaas awgeed waxaanu ururinaa macluumaadka ku saabsan mowduucan gudaha kaydkayaga aqoonta.
Su'aalaha inta badan la is waydiiyo
Sideen xubin kaga noqdaa Unga Hörselskadade?
Miyaad hawlaha ku bixisaa luqaddayda?
Hawlahaaga ma heli karaa kuwan maqalku ku adag yahay?
Waxaan noqday xubin sanadkii hore oo waxaa la igu wargeliyay inaan u baahanahay inaan cusboonaysiiyo xubinimadayda. Maxay tani dhammaan ku saabsan tahay?
Ma samayn karaa ku deeqida lacagta ee Unga Hörselskadade?